Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo dhaweeyay hadal uu ku dhawaaqay Axmed Qoorqoor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay hadalkii xalay kasoo yeeray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ee ku aadanaa doorashada Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay inuu soo dhaweeynayo doorashada kuraasta ugu horreysa ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor in saddex maalmood gudahood lagu qabanayo.

Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ayaa Afarta Dowlad Goboleed ee kale Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ugu baaqay inay muddo 24 saac gudahood ay, iyagana uga dhawaaqaan kuraastii u horreysay ee doorashada Golaha Shacabka.

Isaga oo sii hadlaayay Rooble ayuu tilmaamay in howlihii Magaalada Dhuusamareeb uu u tegay ee arrinta doorashadu ugu muhiimsaneyd ay ugu ku dhammaadeen guul, isla markaana ku boggaadiyay Qoorqoor inuu xili dhow u qabtay bilaabista doorashada.

“Howlihii aan u imid Galmudug ee arrinta doorashadu ugu muhiimsaneyd waxay ku dhammaadeen guul. Waan ku ammaanayaa madaxweyne Qoor Qoor in uu xilli dhow u qabtay bilaabista doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka,Dowlad goboleedyada kalena waxaan ka codsanayaa in ay dhaqso u bilaabaan” ayuu yiri RW Rooble.

Hadalkaan ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ka sheegay Munaasabad Casho sharaf aheyd oo xalay isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo loogu sameeyay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana Munaasabadda ka qeyb galay Madaxda Galmudug, Wasiiro, Xildhibaan iyo Mas’uuliyiin kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor