Ra’iisul Wasaare Rooble oo si kulul uga hadlay Qaraxii khasaaraha dhaliyey ee Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul u Cambaareeyay qarax Is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ee degmada Hodan Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii dhacay oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarax oo si gaar ah uga dhacay albaabka hore ee Iskuulka Mucaasir.

Qoraal uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa uu qaraxa ku tilmaamay mid fal bahalnimo ah, wuxuuna Rooble Caafimaad Deg deg ah Alle uga baryey inuu siiyo dadkii dhaawacmay oo ay ku jiraan Carruur yaryar.

“Waan cambaareynayaa weerarkii ay Alshabaab saaka ka geysteen Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen dad rayid ah oo ay ku jiraan arday. Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyada Allaha u boogo dhayo, eheladoodana samir iyo iimaan Eebbe ha ugu deeqo” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.

Maamulka Iskuulada Mucaasir oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in qaraxa Is-miidaaminta ahaa ee saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayna uga dhaawacmeen 7 Arday, Darawal iyo hal ruux oo Ilaaliye, sidoo kalena burbur xoogan uu gaaray Iskuulka.

Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku geeriyooday qaraxii saaka, halka 17 qof kalena ay ku dhaawacmeen oo ku jiraan Arday, waxaana mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab oo tilmaamtay inay la beegsadeen Saraakiil Caddaan ah oo wadada marayey xiligii uu qaraxu dhacayay…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor