Ra’iisul Wasaare Rooble oo Mareykanka kala hadlay Amniga iyo Doorashada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa khadka telefoonka wada-hadal kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka Rooble iyo Molly Phee looga wada hadlay Arrimo ay kamid yihiin xaaladihii ugu dambeeyay ee Arrimaha siyaasadda dalka iyo Ammaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta iyo Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika ayaa sidoo kale ka wada arrinsaday doorashooyinka dalka oo cago jiid farabadan ka muuqdo.

Kulankaan dhexmaray Rooble iyo Molly Phee ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo Mareykanka si Cad u sheegay inuu tallaabo ka qaadayo kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda ee Soomaaliya, waxaana farriintaas ay aheyd inuu kula hadlayo Farmaajo.

Mareykanka ayaa taageeray dadaalada uu wado Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee doorashada, sidoo kalena uu sheegay inay taageersan yihiin Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, ayna kasoo horjeedan shaqo  joojinta RW Rooble…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor