Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Shiikh Khalid Bin Khalifa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble  oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Doxa ee dalka Qadar ayaa kulamo kala duwan waxaa uu al yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaasi.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta la kulmay Shiikh Khalid Bin Khalifa Al-Thani, waxaana inta kulanku intuu socday looga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya xaaladda siyaaadeed Soomaaliya.

Kulanka ayaa si gaar ah loogu faaqiday xoojinta xiriirka labada dal iyo kordhinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qadar ay ka fuliso Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay gaaray dalkaasi, kadib markii Casuumaad rasmi ah uu ka helay Qatar, waxaana wali uu wadaa kulamo kala duwan oo uu la leeyahay maadxda dalkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor