Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Odayaasha dhaqanka Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Dhuusamareeb kulamo kala duwan kula yeeshay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Galmudug oo uu kala hadlay xoojinta kaalintooda nabadgelyada, dib u heshiisiinta iyo doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay qaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka ee kulanka ka qeybgalay, kuwaasi oo la wadaagay kaalinta uga aadan arrimaha doorashooyinka iyo Nabadgelyada.

Rooble ayaa kulamo kala duwan ka wada Magaalada Dhuusamareeb e xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana arrimaha lag wada hadlay ka mid ah arrimaha doorashooyinka dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor