Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Safiirka Masar ee Somalia

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo sabti ah Xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya Danjire Mohamed Ibrahim.

Ra’iisul wasaaraha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya shacabka iyo labada dowladood ee Soomaaliya, masar iyo sidii loo sii xoojinta iskaashigooda.

Safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya Danjire Mohamed Ibrahim ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda uga mahadceliyay soo dhaweynta uu u sameeyay, isagoona sheegay inuu sii xoojin doono xiriirka labada dal.

Dowladda Masar ayaa kamid ah dowladdaha xiriirka wanaagsan la leh dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana xusid muran in Macalimiin Masaari ah ay wax ka dhigaan Iskuulo waxbarasho oo ku yaalla guadah dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor