Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la yeeshay hay’adaha Maaliyadda dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka duulaya waajibaadkiisa korjoogteynta, la Xisaabtanka iyo xiriirinta shaqooyinka hay’adaha dowladda ayaa kulan la yeeshay hay’adaha Maaliyadda dalka sida Wasaaradda Maaliyadda,Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud.

Kulanka ayaa looga hadlay daahfurnaanta Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, joogteynta bixinta Mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda ah iyo dar-dargelinta howlaha deyn Cafinta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor