Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha UK Britain Boris Johnson kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada waddan ,arrimaha amniga Soomaaliya iyo Gobolka, horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka.

“Waxaan London kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo dowladdiisu marti gelisay Shirka caalamiga ah ee horumarinta Waxbarashada. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labadeenna waddan, arrimaha amniga Soomaaliya iyo Gobolka, horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka. Britain waxay ku jirtaa saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya la leh xiriir soo jireen ah, kana caawiya dhinacyo badan oo muhiim u ah dowlad dhiska dalkeenna” ayuu ku yiri RW Rooble Qoraal uu soo saaray.

Kulanka ayaa waxaa Ra’isul Wasaare Rooble ku weheliyay Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Waxbarashada, kuwaas oo Ra’iisul Wasaaraha kala qeyb galay Shirka Caalamiga Waxbarshada ee London.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor