Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Madaxda Midowga Afrika iyo Taliska ATMIS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliye ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo Maanta la kulmay ku-xigeenka Howgalka Midowga Afrika ee  ATMIS Fiona Lortan iyo Taliska Ciidammada Midowga Afrika ee ATMIS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda iyo taliska ATMIS uga mahadceliyay kaalintii ay ka qaateen sugidda amniga doorashooyinkii dalka ka qabsoomay iyo wada shaqeyntoodii, waxa uuna ku boorriyay in ay sii dardar geliyaan howlaha nabad ilaalinta ee ay dalka u joogaan.

Ku-xigeenka Howgalka Midowga Afrika ee  ATMIS Fiona Lortan iyo Taliska Ciidammada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa dhankooda Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka uga mahadceliyay sidii qeyb uga qaateen sugida amniga.

Ciidanka ATMIS ayaa sugayay amniga doorashadii Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo 15-kii May 2022 ka qabsoontay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor