Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Guddigii Kiiska Badda ee Maxkamadda ICJ

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Wafdigii dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalayay kiiska Dacwada Badda ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wafdiga uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare  ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ugu hambalyeey shaqadii wanaagsaneyd iyo guushii ay qaranka u soo hooyeen.

Wafdiga oo Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Caasimadda ee Muqdisho ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guushii Soomaaliya ka gaartay kiiska Dacwada Badda ee muranka ay gelisay Kenya.

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada ku qaabilay Wafdiga ayaa ku bogaadiyey doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen qadiyaddan Qaran iyo sida jiilasha soo socda ay tusaalaha ugu noqdeen dhanka difaaca Qaranka.

Madaxweynaha iyo Guddiga ayaa wadajir ugu duceeyey, Alle ha u naxariistee, Eng Maxamed Cumar Saalixi oo uu hammigiisu ahaa inuu goobjoog u ahaado miraha dadaalkii uu galiyay kiiskan, isaga oo ammaan iyo mahadcelin u soo jeediyey Qareennadii iyo khubarradii Soomaaliyeed ee u istaagay difaaca baddeenna oo ay ugu horreeyaan Drs. Muna Sharmaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor