Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa Maanta kulan la qaatay Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Madaxweyne Geelle ayaa waxaa ay uga hadleen inta uu socday xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya  labada dal ee walaalaha ah, kuna saleysan dhinacyo kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelleuga mahad celiyay kaalintiisa nabadeynta iyo dowlad dhiska  Soomaaliya, isagoona uga mahadceliyey soo dhaweynta uu u sameeyay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Djibouti ee caasimadda Djibouti ayaa Maanta halkaas ku soo xiri doona Madasha Aragti Wadaagga Heritage oo labadii maalin ee lasoo dhaafay socday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor