Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay soo saarista Musharaxiinta Aqalka Sare ee KGS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee uu soo saaray Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Madaxweyne Lafta-gareen iyo guddiga doorashada Koonfur Galbeed ku bogaadiyay soo saarista Jadwalka doorashada iyo Liiska Musharaxiinta u tartameysa Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Maamulkaas.

Maxamed Xuseen Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa rajeeyay in doorashada Aqalka Sare ee ka dhaceysa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay inay ku qabsoonto jawi nabdoon oo hufan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa gelinkii dambe ee shalay shaaciyay Liiska xubnaha Musharaxiinta Aqalka sare, kuwaas oo doorashadooda dhici doonta Maalinta isniinta ee soo socota, sida ku Cad Jadwalka doorashada ee Guddiga.

Musharaxiinta lasoo gudbiyay ayaa gaaraya 10 Musharax oo afar ka mid ah ay Haween yihiin, isla markaana ku tartami doona Kuraasta Aqalka Sare, waxaana ku jiray Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha Aadan Cabdinaasir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor