Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay habka soo xulista Ergooyinka Doorashada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal, heer dowlad-goboleed iyo kuwa Xallinta Khilaafaadka ayaa sharraxaad ka siiyay geeddi socodka doorashada.

Rooble ayaa Guddiyada kala hadlay arrimo khuseeya geeddi socodka, hirgelinta iyo hufnaanta doorashada, habka soo xulista ergooyinka, kaalinta dhaqanka iyo bulshada rayidka ah, wadashaqeynta guddiyada dhexdooda, qoondada haweenka, dhaqaalaha ku baxaya doorashada iyo qodobbo kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddiyada kula dardaarmay dar dargalinta doorashada dhaceysa, isla markaana ku boorriyay in ay si dhow u wada shaqeeyaan, isagoona xusay inay ku ballameen in dhaqso loo bilaabo wajiga labaad ee doorashada oo ah doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka iyo in doorashadu noqoto mid hufan oo ka maran qof jecleysi.

Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlaayay doorashada kuraasta Golaha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in kursi kasta oo kamid ah kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabak ay soo dooranayaan 101 ergo, isla markaana ergooyinkaas ay soo xulayaan Duubabka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in aanay isbaaro noqon karin oo aan caqabado loogu dhigi doonin dadka maraya dambi baarista CID ee isugu jira Musharaxiinta iyo Ergada, isagoo xusay in waajib tahay in la maro hey’adda dambi baarista.

Kulankan uu Ra’iaul Wasaare Rooble la qaatay guddiyada doorashada ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Golaha Wadatashiga Qaran soo saareen habraac muran badan dhaliyay oo loo marayo doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, kaasi oo awood dheeraad ah siinaya Madaxda maamul goboleedyada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor