Ra’iisul Wasaare Rooble oo iska wareejiyay Kiiskii Ikraan Tahliil

Ra’iisul Wasaare Rooble oo uu wehliyo wasiirka amniga gudaha  ayaa kormeeray xarunta Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, isagoo warbixin ka dhageystay agaasimaha KMG iyo saraakiisha hay’adda.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay Xarunta NISA ee uu booqday, waxaana waxyaabaha uu ka hadlay ka mid ahaa kiiskii Marxuumad Ikraan Tahliil.

Rooble ayaa sheegay in kiiska Ikraan uu ku wareejiyay Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda, waxaana oo sheegay in Saraakiisha ammaanku ay kala shaqeeyaan sidii kiiskaasi baaritaan dheeraad ah loogu sameyn lahaa.

Wasiirka amniga iyo Taliyaha ku meel gaarka ah ayuu faray in ay la shaqeeyaan Xeer ilaaliyaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor