Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyey Shirka tiirka dhaqaalaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo sabti ah guddoomiyay shirka tiirka dhaqaalaha oo ka qeyb galeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.

Inta uu socday shirkaan oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Rooble ayaa waxaa Xafiiska hantidhowraha guud ee Qaranku ku soo bandhigay xogta dhaqangalka mashaariicda horumarineed ee dalka.

Sidoo kale, Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee xilgaarsiinta ayaa madasha shirka tiirka dhaqaalaha soo jeedisay nidaamka keydinta mashariicda ee AIMS.

Shirka tiirka dhaqaalaha ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo kamid yihiin Wasiirka qorsheysan Jamaal Maxamed Xasan, Wasiir Xil. Khaliif Cabdi Cumar iyo Mas’uuliyiin kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor