Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku dhaweeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Guddoonka Barlamaanka Galmudug ,mas’uuliyiin iyo dadweyne badan.

Ra’iisul Wasaaruhu  Inta uu joogo  Dhuusamareeb waxa uu  kulammo la yeelan doonaa madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu kala hadli doono arrimaha doorashooyinka, nabadeynta iyo horumarinta adeegyada bulshada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor