Ra’iisul Wasaare Rooble oo casuumad Booqasho u gudbiyey Sheekh Al-Azhar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Sheekha Al Azhar Dr. Axmed Altayib oo uga mahadceliyay doorka Al-Azhar ee faafinta fahamka saxda ah ee diinta suubban, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay kordhinta fursadaha Waxbarashada ee la siiyo ardayda Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa ku casuumay Shiikha Al-Azhar inuu soo booqdo Soomaaliya, isagoo sheegay inay imaanshihiisa farxad weyn u noqon doonto dadka Soomaaliyeed

Shiikh Al-Azhar ayaa ballan qaaday in la kordhin doono fursadaha waxbarasho ee Soomaaliya la siiyo si ay uga faa’iideystaaan dad badan, isagoo sidoo kale sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan tababarada culumada iyo imaamyada masaajidda.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa sheegay in Al-Azhar tahay xarun ku caan baxday dhaxdhaxaadnimo iyo fidinta diinta Islaamka isago sheegay inay dadka Soomaaliyeed abaal weyn u hayaan Jaamacadda Al-Azhar.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku jooga Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar, iyagoo halkaas ka wada kulamo kala duwan.