Ra’iisul Wasaare Rooble oo cabasho ka gudbiyey Madaxweynaha Puntland

Shirar u dhexeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa saacadihii lasoo dhafaay kusoo dhammaaday natiijo la’aan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulan gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka Puntland ee ku sugan Magaalada Garoowe, isagoona Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay Odayaasha tabashooyin uu ka qabo Madaxweyne Deni.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in RW Rooble ayaa uu warbixin ballaaran ka siiyey Isimada iyo salaadiinta Puntland xaaladda siyaasadeed ee wadanku marayo, gaar ahaan caqabadaha hortaagan arrimaha doorashooyinka oo ay ugu wayn tahay sidii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu u fulin lahaa heshiiskii siyaasadeed ee la gaaray 17kii Sebteembar 2020.

Sidoo kale Maxamed Rooble ayaa Isimada Puntland si gaar ah uga dacwooday Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland,  isagoo u sheegay haddii ay diidaan inay fuliyaan heshiisyadii Doorashooyinka eela gaaray in dowlada Fedaraalka ay qaban doonto Doorasho waqtigeda ku dhacdo hadii Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ay ka dhaga adeegaan magacaabista Guddiyada doorashooyinka ee ku dhiman labadaas maamul.

Kulanka dhexmaray Isimada Puntland iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa ku dhamaaday in Rooble ka codsaday in isimada War cad ka keenaan Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni, ayna qaataan doorkooda dhaqameednimo ee uga aadan khilaafka ka taagan Doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu shuruud ku xiray magacaabida Guddiga, isla markaana dalbaday in la xaliyo arrinta ay isku hayaan dowladda Federaalka ee ku aadan Gobolka Gedo  iyo in dib u eegis lagu sameeyo Guddiga doorashada lagu muran yahay.