Ra’iisul Wasaare Rooble oo Caawa kulan la qaatay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Caawa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxweyneyaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa looga wada hadlay  qabanqaabada shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dardargelinta doorashooyinka dalka oo ka furmaya Muqdisho.

Warar la helayo ayaa sheegay in Madaxda sidoo kale ka arrinsadeen khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Galmudug, kuwaasi oo ka qeyb galaya Shirka uu iclaamiyey Rooble, halka weli uu maqan yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa Caawa shaaciyay in Shirka Golaha Wadatashiga Qaran uu maalmaha soo socda ka furmi doono Muqdisho, iyadoo looga hadli doono sixida iyo dhammeystirka doorashada dalka…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor