Ra’iisul Wasaare Rooble oo amar siiyay laamaha amniga Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Saraakiishii Ciidanka dowladda Federaalka ee todobaadkii horey lagu dilay duleedka degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa laamaha amniga maamulka Galmudug is deg deg ah uga dalbaday inay gacanta kusoo dhigaan Maleeshiyaadkii ka dambeeyay dilkii loo geystay Saraakiisha Ciidankii dowladda oo weli la baadi goobayo.

Raggii ka dambeeyay falkaas ayuu Ra’iisul Wasaaraha ku tilmaamay inay yihiin kuwa arxan laawayaal ah, isla markaana dilay Saraakiil ka tirsaneyd Ciidanka qeyta 21-aad, kuwaasi oo lagu qaaday weerar dhab-gal ah.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacday Dhuusamareeb ayaa caddeeyay in markii lasoo qabto raggii hubeysnaa sida ugu dhaqsiyaha badan cadaalada loo horgeyn doono.

Weerarka lagu dilay Saraakiisha ayaa ka dhacay inta u dhexeeysa Balanballe iyo Guriceel, isla markaana waxaa halkaas ku dhintay ilaa iyo 6 Sarkaal, halka saddex kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen,  xili ay kasoo laabteen tababar ay soo qaateen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media