Ra’iisul Wasaare Rooble oo Amar siiyay Guddiga amniga Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaaa Maanta kulan gaar ah la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka dalka Soomaaliya ka dhacaya.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddiga amniga ayaa ka wada hadlay u diyaar garowga   sugida Amniga doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad oo la filayo in maalmaha soo socda ka bilaabato maamul Goboleedyada dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey guddiga amniga doorashooyinka sidii ay uga qeyb qaateen sugidda amniga doorashooyinkii Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dhammaad ku dhow.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddiga amniga ku amray in ay sii wadaan dadaalkooda wadajirka ah ee ku aadan sugidda ammaanka ergooyinka iyo dhinacyada ku howlan hirgelinta doorashada.

Guddiga amniga ee uu la kulmay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, Booliska AMISOM iyo Booliska UN-ka oo ka taageera dhinacyada farsamada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor