Ra’iisul Wasaare Rooble oo amar dul-dhigay Maamulka Gobolka Banaadir

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan lagu dardargelinayo howllaha ay bulshada Caasimadda u hayaan la qaatay masuuliyiinta ugu sarreysa Maamulka Gobolka Banaadir.

Rooble ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta cusub ee dhowaan loo magacaabay Maamulka Gobolka Banaadir in ay la yimaadaan qorshe cad oo lagu horumarinayo Caasimadda, gaar ahaan dhibaatooyinkii ka dhashay roobabkii xiliyadan ka da’ayay magaalada oo saameyn ballaaran ku yeeshay waddooyinka iyo bilicda Caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray maamulka gobolka Banaadir in la sameeyo daraasad lagu qiimeynayo khasaarooyinkii ka dhashay roobabka, gaar ahaan burburka jidadka, isagoo ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in doorkooda ay ka qaataan horumarinta bilicda iyo amniga Caasimadda.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo tilmaamay mudnaanta uu amnigu u leeyahay bulshada ayaa ku booriyey maamulka Gobolka in dib u habeyn lagu sameeyo leyrarka waddooyinka, si aysan uga faa’iideysan mugdiga kooxaha nabad diidka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha kulankan muhiimka ah, isagoo sheegay in Maamulkiisu uu ka howlgeli doonno sidii wax looga qaban lahaa bilicda, amniga iyo dib u dhiska Caasimadda.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media