Ra’iisul Wasaare Rooble oo Amar cusub kusoo rogay Hay’addaha amniga Dowladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo maanta guddoomiyay Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, ayaa uga warbixiyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in  Xukuumadda iyo dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay in ay doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ku dhammaato xilligii lagu heshiiyay.

Isagoo ka hadlayay amniga dalka, ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble faray hay’adaha amnigu in ay xoogga saaraan sugidda ammaanka dalka, isagoo ku amray laamaha amnigu in aysan ku milmin siyaasadda, xooggoodana isugu geeyaan la dagaallanka Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ku dhaqmeyso siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in aysan suurto gal ahayn in Soomaaliya ay colaadiso dalal ay kala dhexeeyaan dano badan.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa faray wasiirrada iyo madaxda kale ee hay’adaha xukuumaddu in aysan ku tagri falin awoodda iyo hantida qaranka xilligan kala guurka ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor