Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Maamulka Degmada Balcad oo kulan u socda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo safar ku gaaray degmada Balcad ayaa haatan gudaha degmadaas kulan kula leh Maamulka degmada oo uu horreeyay Guddoomiye Qaasim Cali Nuur Furdug.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa kulanka uu la leeyahay Maamulka Balcad ku wehlinaya Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo xubno kale.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda amni ee degmada Balcad iyo deegaanada hoostega, tan nololeed iyo baahiyaha ka jira degmada ee u baahan in wax laga qabto, waxaana Maamulka degmada uu Warbixin siinayaa Rooble iyo Cali Guudlaawe.

Ujeedka socdaalka Maxamed Xuseen Rooble ee Balcad ayaa waxaa uu yahay u kuur-gelida xaaladaha amni, nololeed ee degmadaas iyo deegaannada ku teedsan iyo halka ay marayaan mashaariicda horumarineed ee halkaas ka socda sida dhismaha waddada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Ammaanka guud ee degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa amniga Magaalada sugaya Ciidanka Ilaalada Ra’iisul Wasaaraha iyo kuwa dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan.

Wadada isku xirtas Magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad oo dhererkeedu gaarayo 37-KM ayaa wejiga hore ee dayactirka lagu sameeynayo ay soo gaba-gabowday iyadoo la filayo in wajiga labaad dhawaan la bilaabo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor