Ra’iisul Wasaare qaatay tallaalka COVID-19 oo laga helay Cudurka

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Cimraan Khaan ayaa laga helay feyraska Karoona labo maalmood uun kadib markii uu qaatay tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka ee dalkaas.

Waxaana la sheegay in haatan Ra’iisul Wasaaraha uu isku karantiilayo gurigiisa.

Khaan oo 68 jir ah wuxuu maalmihii u dambeeyay ka qeybgalay kulamo ka dhacay dalkaas.

Cudurka Covid-19 ayaa haatan kusoo laba kacleeyay Pakistan iyadoo dalka laga diiwaangeliyay dhimashada 13,799 qof iyo kiisas gaarayo 623,335.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor