Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo kusii jeeda Magaalada Garoowe

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar uu ka qeyb geli doono Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage ee Garoowe ka furmaya.

Machadka Cili Baarista ee Hiratage ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed xuseen Rooble ku casuumay Madasha Aragti Wadaagga ee lagu qabanayo Magaalada Garoowe, bale Mahdi Guuleed ayaa ka qeyb galaya oo ku wajahan halkaas.

Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo Xildhibaano badan oo la socday ayaa gaaray Magaalada Garoowe, si ay uga qeyb galaan Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha oo markii ugu horreeyay lagu qabanayo gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Madasha ayaa waxaa lagu casuumay Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo qaarkood tegay Caasimadda Puntland iyo Madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland iyo  Galmudug ee Qoorqoor iyo Axmed Madoobe.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa Garoowe la filayaa inay gaaraan wufuud kala oo qeyb galaya Shirka oo looga hadli doono Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya.

Ammaanka guud ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa waddooyinka qaarkood lagu daadiyay Ciidamo ka tirsan Puntland, kuwaasi oo sugaya amniga, maadaaama halkaas uu ka furmayo Shirweyne Caalami ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media