Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo Haweenka kala hadlay caqabadaha heysta

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salah Jama, ayaa guddomiyey kulan looga hadlaayey doorka Haweenka ay ku leeyihiin Hay’addaha Dowladda iyo caqabadaha ka haysta helista xilalka sare, kaasi oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqal Insaanka.

Kulankan ayaa lagu lafa guray caqabadaha ay kala kulmaan Haweenka shaqada iyo in xilal muuqda ay ka qaban karaan xafiisyada dowladda, iyadoo la isla qaaday in loo baahan yahay in dhiirigalin iyo dalacsiin la siiyo dumarka dadaalka dheeraadka ah muujiya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, ayaa xusay muhiimadda ay haweenku u leeyihiin Hay’addaha Dowladda isla markaana in ay waajib tahay in haweenka lagu dhiiri galiyo shaqooyinka dowladda, isla markaana xukuumadda Dan-Qaranna ay kor u qaadayso dhiiri galinta Haweenka ee dhinacyada shaqaalaysiinta iyo ka qayb galka siyaasadda dalka.

Kulanka waxaa goob jooga aha Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka, Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka, Xisaabiyaha guud ee Qaranka, Guddoomiye ku xigeenka bangiga dhexe, Agaasimaha guud ee xarunta warbixinnada maaliyadda, Agaasimayaal iyo la taliyayaal sare ee xafiisyada Dowladda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor