Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka iyo Madaxweynaha Masar oo kulan yeeshay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar uga qayb galay furitaanka madasha dhallinyarada aduunka oo soconeysa Deceembar 14-17, 2019.

Madaxweynaha Masar, Abdel-Fattah El-Sisi, ayaa furay madasha sanadlaha ah ee dhallinyarada aduunka, oo ah madashii sedaxaad tan iyo markii la billaabay sannadkii 2017.

Madasha ayaa ah madal ay dhallinyaradu kula kulmaan dadka siyaasadda sameeya ee adduunyada, dadka go’aannada leh, iyo shaqsiyaadka kale ee saameynta leh, aragtiyadoodana ay ku wadaagaan.

Madasha oo ajandayaasheeda sannadkaan ay qayb ka yihiin sugnaanta cunnada iyo kacdoonka warshadaha, ayaa waxaa sanad kasta ka qayb gala qaar kamid ah hoggaamiyahaasha caalamka, hoggaamiyayaasha dhallinyarada, dhallinyada hal abuurka leh, dadka caanka ah iyo ururada dhallinyarada adduunka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo shirka ku metelaya dowladda Soomaaliya ayaa kahor inta madasha aan la furin waxa uu la kulmay Madaxweynaha dalka Masar, ahana guddoomiyaha midawga Afrika, Abdel-Fattah El-Sisi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media