Ra’iisul Wasaare ku-xigeen dunida Caan ka ahaa oo geeriyooday

Telefishinka dowladda Suuriya ayaa shaaciyay goor hore oo maanta oo Isniinta ah, geerida Waliid Al-Mucallim, Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta dawladda Syria.

Wakaaladda Wararka Syria ee SANA ayaa soo qortay, “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogtu waxay ka tacsiyeynaysaa geerida Walid Al-Macallim, Wasiirkii Arrimaha Dibadda.”

Al-Mucllim wuxa uu caasimadda Demishiq ku dhashay July 17, 1941,  waxaana uu la wareegay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suuriya bishii Febraayo 11, 2006, isagoo wax ku bartay iskuulada dowliga laga soo bilaabo 1948 ilaa 1960, markii uu ka qaatay shahaadada dugsiga sare Tartous.

Intaa ka dib, wuxuu ku biiray Jaamacadda Qaahira oo uu ka qalin jabiyay 1963 BA cilmiga dhaqaalaha iyo Sayniska, waxaana uu ka mid ahaa ragga tiir dhexaadka u ah maamulka Bishaar Al-asad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media