Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Kuwait kala hadlay Arrin muhiim ah

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo amiirka Dalka Kuwait ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dowladood.

Xasan Cali Khayre Raiisul wasaaraha Dalka iyo Sheekh Sabaax Khaled Al-Xamad Al-Sabaax amiirka wadanka Kuwait oo khadka telfoonka ku wada hadlay ayaa waxaa ay isla soo hadal qaadeen iskaashiga Labada dal,gaar ahaan dhinacyada amniga,dhaqaalaha,siyaasadda iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Intii uu socday wada hadalka labada dhinac qadka telfoonka ahaa ayaa waxaa ay sidoo kale ay ka wada hadleen sidii Dowladda Kuwait ay Dowladda Soomaaliya uga garab siin lahayd la dagaalanka cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Dowladda Kuwait ayaa kamid ah wadamada Jaamacadda Carabta ee xiriirka iyo wax wada qabsiga uu kala dhexeeyo Soomaaliya, waxaana wada hadalkan uu imaanayaa iyadoo Dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan ay ku bixinayso sidii looga hortagi laha fiditaanka Covid-19.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media