Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulan la qaatay Guddiyada ka hortagga COVID-19

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shir ay ka qeyb galeen guddoomiyaasha guddiyada ka hortagga Covid-19 ee dowlad gobaleedyada, oo looga hadlay dardar gelinta dadaallada lagu xakameynayo faafidda iyo saameynta bulshada uu ku yeelanayo cudurka COVID-19.

Guddoomiyaasha guddiyada dowlad gobaleedyada ee ka hortagga COVID-19 ayaa kulanka kusoo bandhigay warbixinnadii ugu dambeeyay ee dowlad gobaleedyada iyo caqabadaha jira.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo caddeeyay in dowladda federaalku ay dadaalkeeda oo dhan isugu geyneyso wax ka qabashada COVID-19, ayaa ku baaqay in wadajir loo wajaho cudurkaan, lana laba jibaaro dadaalka maadaama lagu jiro xilli aad u adag.

Dowladda oo ku dadaaleya xakameynta iyo saameynta bulsho ee cudurkaan COVID-19, ayaa hir-gelisay xaruma caafimaad oo lagu daryeelo bukaannada, waxayna dhanka kale canshuur dhaaf iyo canshuur dhimis u sameysay cunnada aasaaniga u ah nolosha bulshada, iyadoo sidoo kale wada qorshe lagu caawinayo dadka u nugul saameynta ka dhalanayesa tallaabooyinka lagu xakameynayo cudurkaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media