Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Guddi u Magacaabay daadadkii Qardho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddi wasiiro ah u magacaabay daadadkii xalay ku rogmaday Magaalada Qardho, kuwaasi oo ka dhashay Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu magacaabay Guddiga Gurmadka, kuwaasi oo ka kooban 7-xubnood.

Guddiga ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, waxaan kamid ah Wasiirka Gargaarka, Boostadda iyo Isgaarsiinta, Qorsheynta, Warfaafinta, Wasiir dowlaha Maaliyadda iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaadka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa amray in Guddiga si deg deg ah gurmad u gaarsiiyan dadka shacabka ee waxyeelada kasoo gaartay  daadadka ku rogmaday Qardho.

Qardho ayaa waxaa ka jirto bani’aadantinimo, waxaana daadad halkaas ku rogmaday ku dhintay in ka badan 6 ruux, waxaana weli la’la yahay dad kale oo shacab ah, kuwaasi oo ay qaadeen daadadkii xooganaa, isla markaana waxaa ku dumay guryo badan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media