Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa Caawa dib ugu laabtay Magaalada Muqdusho.

Ra’iisul Wasaare ayaa Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas u joogay wadahadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo heshiis hordhac ay labada dhinac kala saxiixdeen.

Kheyre iyo wafdiga la socday oo uu kamid ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacaba ayaa Caawa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Mas’uuliyiin kale.

Inta uu ku sugnaa Jabuuti Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu kulan la qaatay Madaxweynaha dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweyne Geelle uga mahad celiyay gogosha uu u fidiyay Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland iyo dadaalka dheeraadka ah ee uu ku bixiyay in wadahadallada ay guul ku soo dhamaadaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media