Ra’iisul wasaare Israa’iil ka socda oo 10-sano kadib booqasho rasmi ah ku tagay Masar

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett, ayaa wadahadalo kula leh Madaxweynaha Masar Abdul Fattah al-Sisi magaalada loo dalxiis tago ee Badda Cas ee Sharm el-Sheikh.

Waa safarkii ugu horreeyay ee rasmi ah oo uu ra’iisul wasaare Israa’iil ku tago Masar muddo toban sano ah.

Madaxtooyada Masar ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wada hadli doonaan arrimaha labada dhinac iyo gobolka, iyo sidii loo soo nooleyn lahaa geeddi-socodka nabadda ee Israa’iil iyo Falastiin.

Mr Bennett, oo Bishii Lixaad beddelay Benjamin Netanyahu, ayaa bishii hore aqbalay casuumaad uu ku tagayo dalka Masar.

Mr Netanyahu ayaa ahaa madaxii ugu dambeeyay ee Israa’iil oo booqasho rasmi ah ku taga Masar sannadkii 2011-kii, markaas oo uu la kulmay madaxweynihii xilligaas Xusni Mubaarak, wax ka yar bil, ka hor intii aan xukunka laga tuurin.

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor