Ra’iisul Wasaare Abiy oo qiray inay xad-gudubyo ka dhaceen Tigray

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay qiray in xadgudubyo ka dhan ah dadka shacabka ay ka dhaceen gobalka Tigree-ga, intii uu dagaalka ka socday.

Raiisal wasaaraha Itoobiya ayaa arrintaan ka hor sheegay baarlamaanka dalkaas  maanta oo talaada ah.

Abiy Axmed ayaa yiri “ waxaa mas’uuliyadda xadgudyadii dhacay qaadan doona askartii geysatay kufsiga ama boobtay hanti shacab”

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareynka Anthony Blinken ayaa hore ugu eedeeyay dowladda Itoobioya inay xadgudubyo ka geysatay gobalka tigree-ga inkasta oo Itoobiya gaashaanka u daruurtay eedeyntaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor