Ra’iisul Wasaare Abiy oo Booqasho rasmi ah ku tegay dalka Kenya

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Moyale ee ku taalla xuduudka u dhexeeya labada Dal, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo xubno la socday kusoo dhaweeyay Magaalada Moyale, iyagoona kulan gaar ah ku qaatay Hotel ku yaalla Magaaladaas.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda Gobolka iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada Dal, waxaana weli socda kulanka labada hoggaamiye, iyagoona Maanta tegaya Gobolka xeebta ee Lamu.

Ra’iisul Wasaare Abiy iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa kormeer ku tegaya dhismaha dekedda Cusub ee Gobolka Lamu,  sida uu qorshahu yahay Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa qaadan doonta laba maalmood.

Booqashada Abiy ee dalka Kenya ayaa ku soo aaday, iyadoo mar kale uu xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaaday tallaabo la mid ah tii ay qaaday Kenya sanadkii hore ee 2019.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media