Ra’iisul Wasaarahii hore ee Sudan Sadiq Al-Mahdi oo geeriyooday

Sadiq Al-Mahdi,Ra’isulwasaarahii hore ee Sudan  ,isla markaana ahaa siyaasi caan ah iyo wadaad dhanka diinta ah, magacna  ku lahaa dalkaasi ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka imaaraadka saakay oo khamiis ah .

Wuxuu ahaa ra’isulwasaarahii ugu danbeeyay ee Sudan kaas oo si xor ah loo doorto waxaana afganbiyay ciidanka oo talada la wareegay 1989 markaas oo Al-Bashiir majaraha Sudan qabtay.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in uu u dhintay xanuuka Coronavirus.

Sadiq al-Mahdi  oo ahaa 84 jir wuxuu ra’isulwasaare ka soo noqday Sudan labo goor oo kala ahaa 1966 ilaa 1967 sidoo kale 1986 ilaa 1989

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media