Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Rooble iyo Xasan Xundubey oo is cafiyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magaalada Djibouti uga qeyb galay munaasabad lagu maamuusayay sanad guuradii 9-aad ee aasaaskii machadka Heritage.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Munaasabadda khudbad ka jeediyay ayaa marka hore machadka Heritage ku boggaadiyey kaalintiisa cilmi baarista iyo doodaha wax dhisaya ee khuseeya dalka iyo guud ahaan gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu waday hadalkiisa Cafis ka dalbaday Wasiirkii hore ee amniga Xukuumadda Xasan Xundubey Jimcaale oo uu xilka qaadis ku sameeyay isaga oo dalka ka maqan, iyadoona Xundubey uu dhowr jeer Rooble ku weeraray baraha Bulshada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle doorkiisa nabadeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu yahay Geelle aas-aasaha dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo oo xalay xaalay magaalada Djibouti ee caasimadda Djibouti ayaa Maanta halkaas ku soo xiri doona Madasha Aragti Wadaagga Heritage oo labadii maalin ee lasoo dhaafay socday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor