Ra’iisul Wasaaraha Suudaan oo wada-hadal la yeeshay Madax uu ku jiro Farmaajo

Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk ayaa khadka telefoonka kula xiriiray madaxda afar dowladood oo ka mid ah dowladaha urur Goboleedka IGAD.

Ra’iisal wasaaraha Suudaan ayaa la hadlay madaxda kala ah Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir Mayardit, Madaxweyanaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Bayaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk ayaa waxaa lagu sheegay in laga wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo xoojinta xiriirka la dhexeeya dalalka Gobolka.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk uu la sii xiriiri doono Madaxda kale ee Geeska Afrika si looga wada shaqeeyo xasiloonida iyo horumarka Gobolka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor