Ra’iisul Wasaaraha magacaaban oo kulamo la yeeshay Madaxweyneyaashii hore ee dalka

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xalay salaan ugu tagay Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Ra’iisul Wasaaraha u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo mas’uuliyadda qaran.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Sheekh Shariif ka dhageysay talooyin iyo tusaalooyin ku aaddan howlaha horyaalla marka uu hello kalsoonida Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha magacaaban Xamse Cabdi Barre, ayaa booqasho ugu tagay madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  oo u rajeeyay Ra’iisul wasaaraha in uu Rabbi u fududeeyo masuuliyadda Qaran ee uu dalka iyo dadkaba u haayo.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey Ra’iisul Wasaaraha magacaaban booqashada iyo salaanta uu ugu yimid, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si dhow ula shaqeeyaan Xukuumaddiisa, si loo sii amba qaado dowlad-dhiska iyo horumarka dalka.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo soo dhaweynta diirran iyo kulankan is-xogwareysiga ah.