Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Goordhow gaaray Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi la socday ayaa Goordhow gaaray Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Ambouli ee Jabuuti ayaa waxaa Abiy Axmed ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, waxaana loo galbiyay Xarunta Madaxtooyadda dalkaas.

Abiy Axmed ayaa Dalka Jabuuti uga qeyb galaya Shir Maanta u furmaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo uu shir Guddoomin doono Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Qoraal xalay uu soo saaray Madaxweyne Geelle ayuu ku shaaciyay in shirka Soomaaliya iyo Somaliland uu ku Casuumay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, isla markaana goobjoog ka noqon doono Shirka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulankaas ay fududeysay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, sidoo kalena ay ka qeyb geli doonaan Wakiillo ka kala socda urur Goboleedka IGAD, Midowga Africa iyo Midowga Yurub.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media