Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy oo gaaray Turkiga iyo ujeedka socdaalkiisa

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Turkiga u tegay ka qeyb galka Shirweynaha 3-aad ee Iskaashiga Turkiga iyo dalalka Afrika (The Third Turkey-Africa Partnership Summit) oo Maanta oo Jimco ah ka furmay Magaalada Istanbul.

Shirkaas oo ay ka qeyb galayaan 16 Madaxweyne iyo Ra’isul Wasaarayaal iyo 102 Wasiir oo Afrikaan ah ayaa waxaa Hal-ku-dheg  sanadkan looga hadli doonaa Xoojinta Iskaashiga ee Danaha Guud iyo Barwaaqada.

Shirka oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa sidoo kale Arrimaha looga hadlayo kamid ah Siyaasadda,  Ammaanka,  Iskaashiga, Maalgashiga, Ganacsiga iyo Milliteriga, waxaana ka qeyb galaya Wafuud ka kala socota 39 Waddan.

Dhinaca kale,  Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waa safarkii 2aad ee uu ku tago Turkiga sanadkan 2021-ka, isagoo bishii August la kulmay Madaxweyne Erdogan oo ay kala saxiixdeen Heshiiska Iskaashiga maalgelinta Milliteriga ee labada dal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor