Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska oo laga saaray Isbitaalka

Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa laga saaray isbitaalka kadib markii laga daweeyay xanuunka Coronavirus, balse durbaba shaqada kuma laaban doono, sida lagu shaaciyay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa.

Mr Johnson, oo 55 sano jir ah, ayaa lseexiyay sibitaalka St Thomas’ hospital, ee ku yaalla magaalada London Axaddii – 10 malamood ka dib markii laga helay fayraska Corona.

Muddo 3 habeen ah ayuu ku jiray qeybta xaaladda deg degga ee la geeya dadka ay xaaladooda caafimaad aad u liidata.

“Iyadoo laga duulaya talada dhakhaatiirta, ra’iisalwasaaraha si dhakhse leh shaqada uguma laaban doono. Wuxuu aad ugu mahadcelinayaa shaqaalaha isbitaalka oo siiyay daryeel aad u wacan”, ayaa lagu yiri war qoraal ah o ka soo baxay xafiiskiisa.

Ra’iisal wasaaraha saaxiibtii, Carrie Symonds, oo xaamilo ah ayaa barteeda Twitter-ka waxa ay ku soo qortay: ” Waxaan u mahadcelinayaa qof walba oo fariin taageera iyo naxariis ku dheehan tahay ila wadaagay. Maanta waxaan dareemayaa inaan aad u nasiib badannahay”.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media