Ra’iisul Rooble oo adkeeyay ballanqaadkii ahaa doorasho daah furan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo socdaal ku jooga magaalada Dhuusamareen ee xaruunta mamaulka Galmudug ayaa halkaa kulan kula qaatay Guddiga Doorashooyinka Galmudug wuxuuna kala hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka.

Mr Rooble ayaa ku booriyay gudiga doorashada mamaulka Galmudug inay si isku mid ah ugu adeegaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta Xildhibaannimo ee yaalla Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey ballan-qaadkii Xukuumadda ee ku aaddanaa hoggaaminta geeddi socodka doorasho daah-furan, laguna kalsoonaan karo, lana xaqiijinayo qoondada haweenka, waxaa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo danta guud, diiradana la saaro qabsoomidda doorashada.

Hadalka ra’iisull wasaaraha ayaa imaanaya xili la guda galayo doorashada Golaha Shacabka isla markaana dad badan ay walwal ka muujinayaan wakhtiga ay qaadan karto doorashada inkasta oo guddiga doorashada ay sheegeen inay kalsooni ku qabaan in doorashadu hal mar bilaabato kuna dhamaato wakhtiga loo qorsheeyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor