Ra’iisal wasaarihii Suudaan  Cabdullaahi Xamduuk oo ku dhawaaqay inuu  is casilay

Arrintaa  ayaa timid kadib markii uu xalay khudbad u jeeday shacabka  Suudaan taas uu uga hadlaayay xaaladda Dalka. Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay inuu geed gaaban iyo mid dheer u fuulay siduu wax uga qaban lahaa xaaladda cakiran ee Suudaan laaki  aysan u suurta gelin ka mira dhalinteeda.

Maalmahaan waxaa dalka Suudaan  ka socday bannaan baxyo looga soo horjeedo afgembigii fashilmay ee ciidmadu sameeyeen.

Dadka sameenaayay bannaan baxyada ayaa dalbanaayay xukuumad rayid ah iyo in ciidmadu faraha kala baxaan siyaasadda dalka.

Dhowr jeer waxaa la jaray adeegyada internet ka si loo xakameeyo bannaan baxyada, waxaana la xiray dad badan oo ka qeyb qaadanaayay mudaaharaadyada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor