Ra’iisal wasaarihii hore ee Afghanistan oo sheegay in aanu Daaliban aqoonsan iskuna dhiibayn

Ra’isal wasaarihii hore ee Afghanistan, Amrullah Saleh, oo maqaal ku qoray wareyskaJarmalka ka soo baxa ee Der Spiegel ayaa sheegay in aanu aqoonsanayn xukunka Daalibaan isla markaana aanu isku dhiibayn.

Saleh oo Kabul ka baxsaday bishan ayaa haatan gacan ka geysanaya iska caabinta Daaliban lagaga soo horjeedo ee ka taagan dooxada Panjshir ee dalkaas. Tan iyo markii uu Madaxweyne Ashraf Ghani u qaxay Imaaraadka horaantii bishan, Amrullah Saleh, wuxuu isku sheegay inuu isagu yahay hogaamiyaha dalka.

“Juquraafi ahaan waan u go’doonsannahay laakiin siyaasad ahaan iyo niyad ahaan ba Afghanistan baa na la jirta”ayuu yidhi.

Wuxu sheegay in Daalibaanku “aanay weligood ba qabin in arimaha lagu xaliyo heshiis siyaadeed”.

“Waxay ka faa’iidaysteen demenaanta, daalka iyo aragti gaabnidad Aqalka Cad ee labada goor ee ay Trump iyo Biden talada hayeen” ayuu intaa kud aray.

Wuxuu soo jeediyey talo ah in weli uu jiro xal wax lagaga qaban karayo qabashada Daalibaan “Pakistan waa in loogu hanjabaa in cunoqabatayno gaar ah lagu soo rogo,la dalbado xal siyaasadeed iyo sidoo kale in aqoonsi siyaasadeed iyo taageero ba la siiyo kooxda ka soo horjeeda Daalibaan ee National Resistance ee dooxada Panjshir”.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor