Ra’iisal wasaare Rooble guddigii uu magacaabay shaley oo la kulmey AMISOM

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku kulmay guddi heer wasiirro ah oo uu shaley magacaabey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, iyo safiirka dalka Uganda u fadhiya Soomaaliya oo uu wehlinayay taliyaha AMISOM.

Waxey ka wada hadleen dadkii dhawaan ay ciidammada AMISOM ku laayeen gobolka Shabeellaha Hoose ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa imanaya iyadoo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo AMISOM uu sheegay iney sameeyeen baaritaan horudhac.

Baaritaanka ay sameeyeen ayaa waxey ku ogaadeen in toddobo qof oo dhawaan ay ciidamada AMISOM ku dileen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ahaayeen dad rayid ah, oo aysan aheyn xubno ka tirsan Al-Shabaab, sidii AMISOM ay horey u sheegtay.

Ehellada dadkaasi la laayey, ayaa indhawaalaba diidanaa in la aaso meydadkooda, ilaa iyo inta AMISOM ay ka qiraneyso dilkooga.

Wasiirka Cadaaladda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, waxa uu ka mid yahay guddiga heerka wasiiradda ah ee uu saaray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kulantii maanta kaddib, ayuu isagoo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay inay dhiseen guddi farsamo oo ka shaqeyn doona sidii dadka ay waxyeelladu soo gaartay xaqooda ku heli lahaayeen.

Wasiirka Cadaaladda ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay inay dajin doonaan istiraatiijiyad cusub oo lagu xakameyn doono dhaqdhaqaaqa AMISOM, iyo in aanay mar dambe dhib soo gaarin shacabka Soomaaliyeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor