Rag ka dambeeyay dilal ka dhacay degaano ka tirsan Mudug oo gacanta lagu dhigay

Ciidanka Booliska Maamulka Galmudug ayaa howlgal qaatay 8 maalmood waxaa ay ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Mudug si gaar ah degaanka Dhagtuur ee Koonfurta Mudug, halkaas oo ay ka dhaceen dilal qorsheysan oo loo geystay dad shacab.

Ciidanka howlgalka fuliyay ayaa gacanta kusoo dhigay 7 ruux oo rag oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilal qorsheysan oo degaanka Dhagtuur iyo tuulooyin hoostega loogu geystay dad xoolo dhaqato ah, loona dilay arrimo la xiriira aano qabiil.

Saraakiil Ciidan ayaa ku warramay in maalmihii lasoo dhaafay ay Ciidanka amniga baadi-goob ugu jireen shaqsiyaadkaan gacanta lagu dhigay, waxaana sidoo kale howlgalka lagu qabtay qaar kamid ah waalidiinta ragga falalka geystay ee la raadinayay.

Dhammaan dadka lagu qabtay howlgalka laga sameeyay degaanka Dhagtuur ee Koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa lagu xiray xabsi ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in dadkaan la Maxkamadeyn doono, maadaama loo heysto dilal loo geystay dad xoolo dhaqato ahaa, iyadoona dilalka dhacay ay isku badaleen dagaal geystay khasaaro kala duwan.

Si kastaba degaanka Dhagtuur ayaa waxaa dhowr jeer oo horey dilal qorsheysan oo loo geystay dad shacab ah oo kamid ahaa dadka degaankaas, waxaana Ciidanka Booliska Maamulka Galmudug ay gacanta ku dhigeen dadkii  ka dambeeyay falkaas dhacay oo salka ku haayay aano beeleed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor