Rag hubeysan oo weeraray Xarun Bangi iyo khasaaro ka dhashay

Rag hubeysan ayaa weerar ku qaadday bangi ku yaalla magaalada Criciúma ee dalka Brazil. Waxaana la maqlayay dhawaaqa rasaasta iyo qarxyo, muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayaa rag qoryo ku hubeysan oo ku sugnaa waddooyinka magaalada.

Mayarka magaalada ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ku sheegay ‘in magaalada lagu soo qaaday weerar xooggan’, wuxuu shacabka ugu baaqay inay guryahooda joogaan.

Waxaana weerarkaas ku dhaawacmay qof waardiye ahaa iyo sarkaal ka tirsan ciidamada.

Maamulka bangiga la weeraray weli kama aysan hadlin dhacdada isla markaana ma aysan sheegin inta ay dhan tahay lacagta laga dhacay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media