Rag hubeysan oo Dil iyo dhaawac ka geystay Xaafad ka tirsan Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii hore Dil iyo dhaawac ka geystay gudaha degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Dilka loo geystay Wiil dhalinyaro oo kamid ahaa dadka deegaanka Xaafadda Macallin Nuur, iyadoo wiilka rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirka.

Sidoo kale ragii hubeysnaa ee falka dilka ah geystay ayaa waxaa kaloo la tilmaamay inay dhaawaceen qof dumar oo ku sugneyd Xaafadda Tawakal ee Macallin Nuur, waxaana la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho.

Ragii ka dambeeyay dilka iyo dhaawaca ayaa isla xiligaas goobta ugu baxsaday luuq yar oo halkaas ku yaalla, waxaana la sheegay in markii dambe ee goobta tageen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in ragii fuliyay falalkaas ay ahaayeen rag burcad ah oo doonayay inay dhac u geystaan Wiilka la dilay iyo Gabadha la dhaawacay.

Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa waxaa xiliyada habeenkii mararka qaarkood waxaa dhac ka geysta rag burcad ah oo hubeysan, iyagoo dadka qaata waxyaabaha ay heystaan, sidoo kalena dad ka dhaga-adeega dalabkooda dil u geysta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media